Madaxweynaha somaliland oo muujiyey inaysan Somaliland sugayn aqoonsi saf-mar ah.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxman Cabdullaahi Maxamed (Cirro), ayaa muujiyey sida aysan xilligaan adduunka oo idil aqoonsi saf-ballaaran ah uga sugayn, kadib go’aankii maamulka Israel ugu aqoonsaday dowlad ka madax-banaan Somalia.
Madaxweyne Cirro oo maqaal ra’yi ah ku qoray wargeyska Wall Street Journal todddobadkii hore, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Isra’iil siisay maamulkiisa mid geedi-socod ah, “Waxaannu la bah nahay Taiwan, Waannu ognahay in aqoonsi ballaaran uusan si degdeg ah u dhici doonin”, Ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
“Mid ka mid ah waqtiyayda ugu wanaagsan ee muddo xileedkayga waa in laga daaro heesta calanka Somaliland safaaradda aan ka furi doono Israa’iil”, Ayuu yiri markale Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Somaliland ayaa weeraray kaalinta Turkiga dowlad-dhiska Somalia oo uu ku tilmaamay mid ku eg Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay xaq u lee yihiin xiriir ay la yeeshaan maamulka Israel.
