Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Lawrant Bagbu oo ay Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee ICC u xiray dilkii ugu yaraan 3,000 oo qof oo lagu dilay shaqaaqooyin ka dhacay dalkaasi sanadkii 2010-kii.
Lawrant Bagbu oo la xiray isla sanadkaasi waxaa 6 bilood kadib loo gudbiyey Xarunta Maxkamadda ICC ee magaalladda The Hague ee dalka Netherlands, isagoo lagu soo oogay Dembiyo Dagaal oo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha.
Labo sano ka hor ayey Maxkamadda ICC sii daysay, isagoo ku noolaa dalka Beljim oo uu ku sugayey waxa ka soo baxa Rafcaanka Maxkamadda ICC.
Madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast, Lawrant Bagbu waxaa la filayaa inuu gelinka dambe ee maanta ka dego Garoonka Caalamiga ee ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Abijaan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha haatan ka taliya dalkaasi, Alasaana Wataara oo ay mar Xifaaltami jireen Lawrant Bagbu oo waxa uu sheegay inay Dowladda ballan-qadayso Kharajka Safarkiisa iyo xubnaha ka tirsan Qoyskiisaa.