Markab Nooca Xamuulka Qaada Oo Lagu Weeraray Badweynta Hindiya

0
171
Markabkaasi ayaa la sheegay in lagu weeraray Waqooyiga Badweynta Hindiya, sida ay sheegeen Ilo-wareedyo.
Markabka oo lagu magacaabo MV CSAV Tyndall waxaa la sheegay inuu lahaa Ganacsade caan ah oo u dhashay Israel.
Ma cadda Jihada weerartay Markabkaasi oo uu ka dul bababayey Calanka dalka Liberia, balse, Israel waxay ku tuhunsan yihiin inay Dowladda Iran ka dambeysay weerarkaasi.
Telefishinka Al-Maydeen ee ku hadla Codka Kooxda Xisbullaahi Lubnaan ayaa sheegtay in Markabka la weeraray uu ka soo shiraacatay Dekedda magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, kuna wajahnaa Dekedda Jabel Cali ee magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here