Maxaa laga yeelayaa ajaanibta Turkiga iyo Sacuudiga ka mid yihiin ee ay qabatay Puntland?

Maamul Goboleedka Puntland ayaa sii daayey liis ay ku jiraan magacyada, sawirrada iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan in ka badan kontomeeyo dagaalyahanno ka tirsanaa kooxda Daacish oo lagu qabtay buuraha Calmis-kaad.

Ragga la soo bandhigay oo sawirradooda lagu hoos dhajiyay calamada dalalka ay ka ay u dhasheen ayaa muujiyey inay ka soo jeedaan dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin, Itoobiya, Kenya, Tansaaniya, Masar, Morocco, Yemen, Suuirya, Sacuudiga iyo Turkiga.

”Meel kasta oo ay ka kala yimaadeen, ama ha dhawaato ama ha fogaatee, waa niman isku mabda’ ah”ayuu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

Buuraha Calmis-kaaad waxaa uu muddo sanad ka badan dagaal ku dhexmarayaa ciimada Puntland iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish oo ka hor dagaalka halkaas ku lahayd fariisimo waaweyn

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.