MIDAWGA MUSLIMIINTA ADUUNKA OO CAMBAAREEYAY CODSI HORE AY DAWLADA FARANSIISKU UGU GUDBISAY.

0
164

Midawga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa canbaareeyay codsigii dawladda Faransiiska ee ahaa in imaamyada masaajidda ay sharciyeeyaan guurka dadka isku jinsiga ah, Xoghayaha guud ee Ururka Ali Mohieddin Al-Qaradaghi oo warqad ay u qoray wasiirka jinsiyada Faransiiska Marilyn Chiappa, ayaa xukuumadd dalkaasi ku cambaareeyey dalabka gurracan ee la duldhigay imaamyada masaajida ee ah difaaca guurka dadka isku jinsiga ah.

Schiappa ayaa Hore u yidhi –
“imaamyada masaajidyada ku yaal Faransiiska ay tahay inay khudbaddooda ku aqoonsadaan xuquuqda ay u leeyihiin dadka isku jinsiga ah inay guursadaan.”

Dhanka kale Al-Qaradaghi ayaa sidan kusoo qoray bartiisa facebook “Kuwani waa go’aanno iyo mawqifyo kicinaya oo aan taageerin nolosha nabadeed ee Faransiiska,”

By:Jim’ale ismail

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here