Milatariga Suudaan ayaa qorsheynaya in ay dib u soo celiyaan ra’iisul wasaarihii xukunka laga tuuray Abdalla Hamdok ayna sii daayaan hogaamiyayaasha rayidka ah ee la xiray ka dib afgambigii militariga ee bishii hore, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa ku dhawaaqay. Fadlallah Burma Nasir, oo ah madaxa xisbiga Umma, ayaa heshiiska u xaqiijiyay warfidiyeenka Axadii. Koox dhexdhexaadin ah oo Suudaan ah ayaa sidoo kale bayaan ka soo saaray heshiiska.