War Degdeg ah: Puntland oo iftiimisay Kiiska Dhaqtarkii Gaalkacyo laga afduubtay”

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si adag u cambaareysay afduubka loo geystay Dr. Faarax Cabdi Maxamed, oo ka tirsanaa bahda caafimaadka kana shaqeynayay Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaraddu maanta oo ku taariikheysan 23-ka April 2026, ayaa lagu sheegay in Dr. Faarax uu ahaa xirfadle caafimaad oo muddo dheer u adeegayay bulshada, door muuqda ka qaatayna badbaadinta nolosha shacabka. Wasaaraddu waxay tilmaantay in afduubkiisu uu yahay fal ka baxsan bani’aadannimada, kana hor imaanaya qiyamka iyo anshaxa Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ugu baaqday Maamulka Gobolka Mudug iyo hay’adaha ammaanka inay si degdeg ah u qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii deynta dhakhtarka, isla markaana cadaaladda la horkeeno cid kasta oo ku lug leh falkaasi.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay muujisay sida ay uga go’an tahay difaaca iyo ilaalinta shaqaalaha caafimaadka, iyadoo ku baaqday in la xoojiyo amniga guud ee goobaha caafimaadka si looga hortago falal noocan oo kale ah.
