Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah, oo qaar badan oo ka tirsan kooxaha midigta fog, ayaa socod ku maray Vienna ka dib markii dowladda Austria ay ku dhawaaqday xannibaadda dalka oo dhan laga bilaabo Isniinta si loo xakameeyo caabuqyada coronavirus ee cirka isku sii shareeraya. Mudaaharaadyo looga soo horjeedo xannibaadaha fayraska ayaa sidoo kale ka dhacay Switzerland, Croatia, Italy, Northern Ireland iyo Netherlands Sabtidii, maalin ka dib markii booliska Holland ay rasaas ku fureen dad mudaaharaadayay todoba qofna ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay Rotterdam. Dibad-baxayaashu waxay ka soo horjeesteen xannibaadaha coronavirus iyo kaarka COVID-19 ee qasabka ah ee looga baahan yahay wadamo badan oo Yurub ah si ay u galaan maqaayadaha, suuqyada kirismaska ama dhacdooyinka isboortiga, iyo sidoo kale tallaalada qasabka ah.