Muhiimadda lacagta ee marxaladaha ganacsiga bilowga ah

0
334

Waxaan shaki ku jirin in lacagta ay xudun u tahay bilowga wax kasta oo la sameynayo ee caalamka. Xitaa marka laga hadlayo shirkadaha waa wayn, sida Google, Apple ama Microsoft, iyo saameynta ay dunida ku yeesheen, waxaan la eegaa dhaqaalaha ay sameeyeen.

Marka laga hadlayo shirkadaha iyo shaqsiyaadka aasaasay ama guulaha ay gaareen, waxaa lagu qiimeeyaa lacagta ay heleen iyo dhaqalihii ay ku malgeliyeen.

Sidoo kale lacagtii ugu horreysay ee ay ka faa’ideen ayaa noqotay arrinta keentay guushooda in la hadalhayo illaa iyo hadda.

Dabcan, waa doqonnimo in laga fikiro in lacagta aysan muhiim ahayn xilliga bilowga ganacsiga. Lacagta waa badbaadada ganacsiga bilowga ah, sida cuntada ay muhiim ugu tahay qofka gaajeysan iyo badbaadadiisa.

Marka aad ganacsi billaabeyso, marxaladaha ugu horreeya waa muhiim in aad hesho lacag aad u badan six al aad ugu hesho dhibaatooyiinka ku soo wajahaya.

Xitaa inta aadan suuq wanaagsan u helin waxa aad soo saarto ama iibineyso, waa in aad qarash badan bixisaa si dadka kuu bartaa. Lacagta waa awoodda qarsoon ee natiijada dhalisa.

Sida khubarada ay aaminsan yihiin, dadka qasaara xillga bilowga uu yahay ganacsigooda waxaa sabab u ah in ay wax wayn la sii noqoneyso ka hor bilowgaba.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here