Muqdisho Xildhibaano ka bilaabay mooshin ka dhan ah waxka beddelka dastuurka & muddo barlmaanku sameeyo.

Xildhibaano katirsan golaha Shacabka barlamaanka Somalia ayaa Muqdisho ka bilaabay Mooshin ka dhan ah waxka beddel lagu sameyo nuqulo katirsan dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia oo ay dabada ka riixayso Villa Somalia.
Xildhibaanadaan oo siweyn uga soo horjeeda muddo kordhin loo sameeyo golayaasha dowladda, waxka beddelka dastuurka KMG ee Somalia ayaa intooda badan ka soo jeeda deegaamo katirsan Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somalia.
Xildhibaan Xayle, oo ka hadlay shirkii golaha ee maanta ayaa dhaliilay xeerarka ay sida deg degga ah goluhu ku ansixiyaan, isagoo ugu dambayntii guddoonka golaha shacabka uga digey inay golaha ka dhigaan goob lagu kala fogeeyo umadda Soomaaliyeed.
“Barlamaanku waayadaan wuxuu ansixiyaa deg deg ku socda oo aan marin xeer hoosyada golaha oo aad moodid intii la yimaado in laysaga codeeyo, waxaan kale oo maqlayaa guddoomiye inaad waddid in golahaa waqtigoodu dhammaadka yahay aad muddo kordhin u samaysid arrintaasi oo aan sharciga waafaqsanayn, dalka in wax laysu jiidjiido ayaa la rabaa oo uusan barlamaankani dalka sii kala kaxayn oo berri ka maalin wax dadka Soomaaliyeed ku gala tegayaan aan halkaan qayb looga noqon, guddoomiye nin oday ah ayaa tahay ee arrintaas ka fiirso waa abbaartaada”, Ayuu yiri xildhibaan Xayle.
