Prof- Samatar “Isma qabato in Somaliland ay ku dooddo gumaad ayaa naloo gaystay & Israa’iil ayaa soo dhaweysaneynaa”

Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo xubin ka ah Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaana deegaan doorashadiisu tahay Gobollada Waqooyi Galbeed ayaa Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay in uu dhibaato xooggan uu geliyay Deegaannada Maamulkaas.
Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in ay nasiib darro ku tahay Cabdiraxmaan Cirro in uu Israa’iil u fududeeyo sidii ay Muslimiin kale ka dhex gumaadi lahayd Gobollada Waqooyi Galbeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Samatar ayaa tilmaamay in ujeedka Israa’iil ee Gobollada Waqooyi Galbeed uu yahay mid ay ka abuurayso colaad ka dhan ah Dalalka Gobolka si ay dhabarka tanba uga imaato Waddamada Culayska ku haya ee dagaallada xooggan kala soo horjeeda.
“Isma qabato in Somaliland ay ku dooddo gumaad ayaa lanoo gaystay iyo Israa’aal oo mujrimiin ah oo xasuuqii ugu weynaa ka gaysatay Gaza ayaan ku faraq-xiranaynaa, Cirro kama fiirsan arrintaas” Sidaasi waxaa yiri Prof, Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo katirsan Golaha Aqalka Sare ee BFS.
Waxa uu sheegay in ay Israa’iil hub gaysay Deegaannada Gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya, Senator Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku baaqay in laga feejignaado khatartaan oo guud ahaan Dalal badan oo Soomaaliya ka baxsan taabanaysa.
“Israa’iil waxa ay u socotaa in ay Berbera fariisato oo gacanta cadmeed & dalal badan in ay ka garaacso kana gumaado, sidaasi uma malaynayo in ay guul ka keeni karaan, Hadafka Israa’iil ee Somaliland waa in ay saldhig ka dhigato, hubna way keensatay” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senator, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.
Afrika oo dhan ayuu sheegay in aysan aqbali doonnin damaca Israa’iil ee Gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya maadaama tallaab weliba oo ay qaaddo ay dhibaato weyn ku tahay jiritaankooda, xasiloonidooda iyo mustaqbalkooda sida uu hadalka u dhigay.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa culays dhinacyo kala duwan kala kulmay Aqoonsiga uu sheegay in uu ka helay Maamulka Israa’iil oo aan dunidaba ka haysan aqoonsi rasmi ah isla markaana madaxdooda ka noqdeen Tuke Cambaar leh.
