Qabashadooda si toos ah ama dadban ugu lahaayeen Hoggaamiyeyaasha Maraykanka

Taariikhda siyaasadeed ee Maraykanku waxa ay ka buuxa dhacdooyin badan oo ku saabsan faragelin iyo duullaan lagu qaadoay dalal shisheeye si loo sooqabto hoggaamiyayaal kala duwan. Hawlgalladan ayaa inta badan dhaliyay dood ballaadhan oo caalami ah, iyadoo qaar ka mid ah dalalkaas ay xaaladdasi cadho iyo cabsi isku u abuurtay, xilli dhinacyada kalena yaab ay u ahayd fargelintaasi.
Dhinaca Maraykanka, tallaabooyinka lagu soo qabto hoggaamiyayaasha shisheeye waxaa badanaa loo arkaa kuwo lagu ilaalinayo ammaanka guud, lagu cidhibtirayo dambiyada uu galay ama lagu xakameynayo rabshado sii kordha. Si kastaba ha ahaatee, hawlgalladan waxa ay sidoo kale dhalleeceyn kala kulmeen hay’adaha caalamiga ah iyo qaar ka mid ah daneeyayaasha, kuwaas oo su’aal geliyay madax-bannaanida dalalka iyo aasaasiyaadka sharci ee tallaabooyinkan.
Qabashada hoggaamiyayaasha badanaa waxa ay ka dhalataa cadaadis siyaasadeed ama dacwado sharci ah, oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq, ku xadgudub xuquuqeed ama dambiyo dagaal. Taariikhdu waxay muujinaysaa in Maraykanku adeegsaday habab kala duwan, laga bilaabo hawlgallo ciidan, duqeymo cirka ah ilaa tallaabooyin sharci, si loo hubiyo in hoggaamiyayaashaas lala xisaabtamo.
Dhacdada hadda taagan ee la xidhiidha qabashada Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, waxay muujinaysaa qaabkan. Hawlgalka Maraykanku waxa uu diiradda saaray ganacsiga sharci-darrada ah, xakamaynta kheyraadka dalkaas, iyo ka saarista hoggaamiye lagu eedeeyay ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.
