Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay afafka hore xero ay ciidanka Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Biya-cade ee gobalka Shabeelada Dhexe.
Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo u sugnaa xeraddaasi ayaa la sheegay in dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray Qaraxa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Korneel Saneey Cabdulle oo ka tirsan saraakiisha xoogga dalka uu kasoo gaaray dhaawac fudud.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay irida laga galo xerada balse uusan gaarin gudaha.