Saldhigga Booliiska Degmada Barawe ku gubay maandooriyeyaal lagu soo qabtay howlgallo

Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Barawe, ahna Taliyaha Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ee Barawe, Gashaanle Dhexe Maxamed Cali Guud, oo ay weheliyaan Taliyaha Ururka 61-aad Guutada 6-aad Qeybta 60-aad, Dhamme Jicmaal Cilmi Aadan, Guddoomiye Ku-
xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Barawe Cabdi Axmed Yuusuf, iyo Taliyaha Daraawiishta Degmada Barawe Usmaan Maxamed Xasan, ayaa maanta Saldhigga Booliiska Degmada Barawe ku gubay maandooriyeyaal lagu soo qabtay howlgallo amni.Maandooriyaha la gubay ayaa isugu jiray:
Xashiish’ Karamadol ‘Bili Bili ‘ Khamri .’
Tallaabadan ayaa timid kadib markii 7 eedeysane oo ka ganacsanayay maandooriyaha uu xukun ku riday Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Barawe, Mukhtaar Abanuur Mayiki, kuwaas oo lagu xukumay xabsi iyo ganaax lacageed.
Saldhigga Booliiska Degmada Barawe ayaa fuliyay xukunka maxkamadda, iyadoo maandooriyaha la burburiyay si looga hortago waxyeellada ay ku hayaan bulshada.
