Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdi sare oo ku wajahan Laascaanood.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa la  filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Laascaanood ee caasimadda Dowlad goboleedka Waqooyi Bari.

 

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigaan sare ayaa ka socota Laascaanood, iyadoo la adkeeyay amniga guud ee magaalada.

 

Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Xamse iyo Wafdigiisa ayaa ah in la xoojiyo midnimad dalka, xilli dowladda wado dadaallo looga hortagayo aqoonsiga Israa’iil sheegtay in ay siisay Somaliland.

 

Sidoo kale, waxaa la filayaa in magaalada Laascaanood lagu qabto munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Firdhiye.

 

Magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale waxaa maalinta sabtida ku wajahan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.