“RW Hamza Abdi Barre oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Qaran ee Ka Jawaabista Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Isgaarsiinta”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee ka Jawaabista Xaaladdaha Degdega ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT) oo loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee ka dhanka ah amniga Isgaarsiinta.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in daahfurka xaruntan uu muhiimad weyn u leeyahay amniga Qaranka, maadama xiiligan ay adduunyadu u jihaysatay dhanka Tiknoolojiyadda, ayna jiraan falal amniga liddi ku ah oo ka dhaca dhanka Isgaarsiinta, taasi oo ay ka jawaabi doonto xaruntani lagana ilaalin doono macluumaadka hey’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.
Xamsa, ayaa guul ku tilmaamay hirgalinta xaruntan oo qaabilsan isku-duwidda iyo ka-jawaabidda amniga saaybarka, soo gudbinta dhacdooyinka amni ee ka dhanka ah Tiknoolojiyadda, iyada oo shacabka Soomaaliyeed laga wacyigalin doono khataraha kaga yimaadda dhanka Isgaarsiinta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay la timid Qorshe lagu horumarinayo Tiknoolojiyadda dalka, kadib markii Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaariista XFS, ay soo gudbiyeen in la hirgaliyo xaruntan, taasi oo shaqo weyn ka qaban doonta xaqiijinta amniga dhanka seeybarka, dhiirrgalinna u ah horumarinta kaabeyaasha Dijitaalka Qaranka






