safarka la sheegay in Cirro uu Israa’iil ku tegi doono

Warar sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu u safray, ama uu isu diyaarinayo safar uu ku tago Israa’iil, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ilaa shalay, balse waxaa garab socda qodobbo muhiim ah oo aanan weli la xaqiijin.
Asalka wararkan wuxuu dib ugu biya-shubanayaa wicitaan taleefan oo dhacay 26-dii Diseembar 2025, kaas oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Wicitaankaas, ayaa Netanyahu wuxuu u sheegay Madaxweyne Cirro in Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland iyo inay tageerayaan xaqa ay uleeyihiin is-maamul madax banaan, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid taariikhi ah.
Wuxuu sidoo kale ku casuumay Madaxweyne Cirro inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Israa’iil, isagoo sheegay inuu gaarsiin doono madaxweynaha Maraykanka Donald Trump rabitaanka Somaliland u qabto ku biirista heshiisyada Abraham Accords oo ujeeddadoodu tahay in la caadiyeeyo xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta.
