Sawerro; Maxaad ka ogtahay cutubka sida gaarka ah u tababaran ee Special Assault Group (SAG

KGS Maxaad ka ogtahay cutubka sida gaarka ah u tababaran ee Special Assault Group (SAG), kana tirsan Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed?

Goordhow la soco warbixin dhameystiran oo ku saabsan tababarka, waajibaadka iyo doorka amni ee cutubkaan.

Special Assault Group (SAG) waa cutub si gaar ah u tababaran oo ka tirsan hay’adaha amniga, kaas oo loo sameeyay fulinta howlgallo adag oo u baahan xirfad sare, feejignaan iyo tababar heer sare ah.

 

Cutubkan ayaa inta badan loo adeegsadaa la-dagaallanka argagixisada, howlgallada degdegga ah, sugidda amniga goobaha muhiimka ah, iyo xaaladaha u baahan faragelin degdeg ah. Askarta SAG waxaa lagu soo xulaa hab adag, iyadoo la mariyo tababaro culus oo dhanka jirka, maskaxda iyo xeeladaha dagaalka casriga ah.

 

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in SAG ay door muhiim ah ka qaataan adkeynta amniga guud, gaar ahaan marka ay timaaddo ka hortagga khataraha amni iyo sugidda nabadda.

 

Cutubkan ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah unugyada ugu diyaarsan ee lagu wajahayo xaaladaha halista ah, taasoo ka dhigaysa laf-dhabar muhiim u ah amniga dalka.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.