Somaliland ayaan u soconnaa

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay “inay u socdaan Somaliland”.

 

“Somaliland ayaan socdaal u nahay gaar ahaan caasimadda midnimada ee Laascaanood”, ayuu ku yiri qoraalka.

 

“Mar kale ayay goboladaas midnimada dalka xajiyeen!Soomaalinimada ayaa naga weyn, naga badan”, ayuu intaa raaciyay qoraalka.

 

Laascaanood waa caasimadda maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

 

Maamulka Waqooyi Bari ayaa taageeray go’aankii ay dowladda Soomaaliya uga baxday heshiisyo ay la kula jirtay Imaaraadka Carabta

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.