Soomaaliya Oo Shirka Golaha Amniga Qaranka Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

0
61

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka uu ka furmo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo dhaawan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Shirkaan ayaa waxa uu yahay mid lagu soo bandhigayo Xog ku saabsan kiiska ikraan tahaliil faarax oo lagu tuhunsanyahay inay ku maqan tahay gacanta dowladda

Dhankale waxa lagu wadaa in isla maanta uu Magaalada Muqdisho soo gaaro Taliyihii hore ee Haya,ada Nisa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hada Lataliyaha Madaxweynaha Somaaliya Oo shalay lagu qashqashaaday garoonka diyaaraha dalka jabuuti oo uu markii dambe Kaga baxay Dalka Turkiga

Taliye Fahad ayaa isagu ah cida laga sugayo in uu meel ku sheego ama uu keeno cademo ku saabsan halka ay ku maqantahay ikraan tahaliil oo aheyd sarkaalad ka tirsaneyd Hay,ada nisa oo uu hogaamiye u ahaa waqtigii lawayay Gabadhaasi

Waxa jira shaki badan oo laga muujinayo shirka kaas oo ku saabsan in furitaanka shirka ay macaquul tahay in uu maanta dib uga dhaco maadaama ay jiraan masuuliyiin ka mid ah madaxda amniga qaranka oo aan ayidsaneyn go,aanka uu Madaxweyne Farmaajo iskugu yeeray  Shirka Amniga Qaranka

ikraan tahaliil faarax ayay Hay,ada Nisa Sheegtay in ay ugacan gashay alshabaab islamarkaasna ay dileen Balse Alshabaab ay iyaguna dhankooda Iska Fogeeyeen Dilka Gabadhaasi

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here