Dagaalyahanada Daalibaan ayaa la wareegay gacan ku heynta degmo muhiim ah oo ku taal galbeedka Afghanistan oo ay ka mid tahay marin muhiim ah oo xuduuda ay la wadaagaan Iran, saraakiisha amaanka Afghanistan ayaa sheegay, iyadoo kooxda hubeysan ay sii wadeyso dhaq dhaqaaqa milatari ee xowliga ku socda ee ku baahsan wadanka.
Toddobaadkii la soo dhaafay, Taalibaan waxay qabsadeen degaannada xadka la leh shan dal – Iran, Tajikistan, Turkmenistan, China iyo Pakistan – iyadoo ciidamada shisheeye ay joojiyeen faragelintii ay ku jireen 20-ka sano isla markaana xaaladda amniga gudaha ay ka sii darayso.