Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa booqday deegaanka Gandershe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn u geesteen.

Kormeerka Taliyaha ayaa ujeedkiisu la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda Nololeed ee bulshada ku dhaqan deegaanka Gendershe, maaddaama ay cidamada qalabka sida ay halkaasi ka sifeeeyeen kooxaha Khawaarijta ah.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Taliyaha ayaa warbixin ka dhagaystay saraakiisha xoogga ee deegaanka ku sugan, kuwaasi oo tilmaamay in iyaga iyo shacabku ay ka dhexeyso wada shaqeyn dhow.

Sidoo kale qeybaha bulshada ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka iyo kormeerka Taliyaha.

Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa kula dardaarmay ciidamada inay ka feejignadaan dhagarta cadowga, ayna joogteeyaan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.