Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Todobaadlaha ee Hogaanada ,

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Todobaadlaha ee Hogaanada , Fadhiyada madaxa banaan , Qeybaha, Talisyada Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha oo looga hadlay Amniga , xoojinta Howlgalada ka dhanka ah maandooriyaha, Tahriibta sharci darada ah iyo u diyaar garowga Bisha barakaysan ee Ramadan oo foodda inagu soo haysa.
Saraakiisha soo xaadirtay kulanka ayaa Warbixino la xiriira shaqada ay hayaan looga dhagaystay waxayna si faah faahsan sharaxaad uga bixiyeen howlaha loo idmaday ee hortabinta u leh shaqada maadama uu kulankan yahay mid si joogta ah isla xisaabtan Saraakiisha loogu sameeyo si loo helo hufnaan si howlkarnimo ku jirtana loogu adeego Bulshada .
Taliyaha ayaa Saraakiisha uga Mahadceliyey dedaalka shaqo iyo isku xirnaantooda oo hadda sabab u noqotay in laga talaabo dal dalooladii ku imaan jiray shaqada iyo habacsanaantii mararka qaybtood sababta u noqon jirtay hoos u dhaca Amniga , waxaana uu faray in markasta xoojiyaan midnimada iyo wada shaqeynta dhexdooda .
