Taliyaha Ururka 61aad ee Guutada 6aad: “Ciidanku waxay kunfur galbeed, diyaar u yihiin difaaca dalka”

Taliyaha Ururka 61aad ee Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka xooga Dalka soomaliyeed dhame Jimaal Cilmi Aadan, ayaa maanta kormeer iyo dhiirrigelin ugu tegey cutubyo ka tirsan ururka 61aad Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee CXDS.
Taliyaha ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu u kuur-galay xaaladda guud ee ciidanka, heerka diyaar-garowga, Ladagaalanka Cadawga Arga,gixisada Alshabaab. Sidoo kale, waxa uu ciidanka kula dardaarmay in ay laba jibaaraan fooljignaanta, adkaysiga, midnimada iyo wada-shaqaynta, isla markaana mar walba u diyaar garoobaan difaaca qaranka iyo ilaalinta nabadgelyada dalka.
