Wafdi Ka Socda Maamulka Gobolka Banaadir Oo Gaaray Magaalada Garoowe

0
129

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyi-galinta Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Axmed (Jaketti) iyo Agaasimka guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa safar ku gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka iyo wafdiga la socda ayaa Garoowe uga qeyb galay Shir looga hadlaayo Horumarinta Waxbarashada dalka oo la filayo in maalin berri uu halkaas ka furmo.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Wasaaraddaha Waxbarashada dowlad Goboleedyada iyo xubno kale oo lagu casuumay, iyadoona shirka diirada lagu saarayo Horumarinta Waxbarashada dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyi-galinta Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa sheegtay in shirkaan uu socon doono muddo saddex maalmood, isla markaana War-murtiyeed laga soo saari doono.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here