Labada dhinac ayaa waxa lasoo sheegayaa in ay maanta meel isku muuqata joogaan islamarkaasna marbamarka kasii dambeysa ay usii dhawaaneyso in ay dagaalamaan.
Ila wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa waxa ay sheegeen in saakay ay xaalada magaalada Guriceel ka duwantahay sidii hore islamarkaasna wadnaha farta lagu wada hayo oo laga baqayo in Kooxda Ahlusuna iyo Ciidamada Dowladda iso hor Fadhiyaan oo kaliya ay harsantahay in xabadi bilaabato
Inta badan Magaalada Guriceel ayaa waxa iskagabaxay dadkii shacab ka ahaa
Waxaana haatan kuso haray dad fara ku tirisa iyo kooxda ahlusuna
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug ayaa la sheegay in dhowr jiho ay hada ka joogaan magaalada islamarkaasna ay isku muuqdaan Ciidamada Ahlusuna
Warar ugu dambeeyay ee aan ka helayno Guriceel ayaa sheegaya in maanta ay xiisad dagaal ay ka taagan tahay magaalada oo si aad ah loogu badinayo in dagaal ka dhaco