DRoD8f8X0AAVf7L - Wardeeq news
Ciidamada midowga afrika oo la wareegay magaalada Marka
Muqdisho, bisha sideedaad 27, 2012: Ciidamada dowladda Soomaaliya iyagoo taageero ka helaya kuwa AMISOM ayaa saaka ka bixiyay dagala miyasha Al-Shabab magaalada Marka oo ah magaalada xeebtaka saddexaad ee koofurta Soomaaliya.
Hawlgalka oo dhacay alaseydi ayaa iska cabin yar la kulmay iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sii siqeen Shalamboot isla markaana goob difaac ka sameystay halkaasi.
Marka waxay ku taalaa koofurta Muqdisho masaafa gaareysa 90km waxaana xukumayay dagala miyasha  Al-Shabab laga soo bilaabo November 2008.  Bilooyinkii la soo dhaafay, Al-shabab  wareegida Marka ayaa muhiim u ah hawlgalada mustaqbalka la fulin doono si loola wareego Magaalada Kismayo oo ah meesha dhakhliga ugu badan ay ka helaan xarakada Al-shabab. Guushan ayaa ku soo aaday xili baarlamaanka cusub ee Soomaaliya isu diyaarinayo doorashada afhayeenka baarlamaanka.
Abaanduulaha ciidamada AMISOM Generaal Andrew Gutti ayaa sheegay in la wareegida magaalada Marka ay sare u qaadi doonta nabad galyada wadanka iyadoo xarkada Al-Shabab ay waayi doonaan meel ay weerar ka soo qaadaan. “AMISOM waxaa ka goan inay taageerto hanaanka nabadda ee Soomaaliya, hawlgalkan faa’ido uma aha dadka degan marka kaliya balse wuxuu naga caawin donaa qabsashada Kismayo,” ayuu yiri. “Hadafkanaga waa inan hubinaa in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay ka qeyb qaadan karaan hanaanka dib-u heshiisiineed ee qaranka,” ayuu raaciyay. Wuxuu kaloo ka codsaday dadka degan Marka inay is dejiyaan isla markaana la shaqeeyaan ciidamada AMISOM si loo xoojiyo ammaanka.
Jowhar oo Muqdisho u jirta 90km dinaca waqooyi ayaa ah magaalada kaliya oo gacanta uga jirta  xarakada Al-Shabab oo kamid ah gobolka Banadir, Shabeelaha hoose iyo dhexe oo ka kooban qeybta 1aad ee goobaha ay ka taliyaan AMISOM.
Kadib markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay kordhiyeen ciidamada AMISOM ayna gaarsiiyeen 17,000, ciidamada ayaa isku sii balaarinayay goobo ka baxsan Muqdisho isla markaana gacan weyn ka geystay sugidda ammaanka iyo qabsashada goobo cusub isla markaana soo rogida sharci, cadaalad iyo kala dambeyn.
Verified by MonsterInsights