Cunaqabateynta Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, xirnaanshaha COVID-19 ee xadka ay la wadaagto Shiinaha, iyo abaar 2020 ah oo ay ku xigto roobab duufaan wata ayaa isku biirinaya abuurista cunno yari ba’an oo ka jirta Woqooyiga Kuuriya, iyada oo ay sii kordhayaan walaacyada nafaqo-darrada baahsan iyo suurtagalnimada ku celiskii abaartii dalka ka dhacday 1990-yadii. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa qiray dhibaatada ka jirta shirkii Juun ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Shaqaalaha