Wednesday, May 8, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka MW Farmaajo oo Xus-ka kowda Luulyo awgeed calan-saaray Madaxtooyada

MW Farmaajo oo Xus-ka kowda Luulyo awgeed calan-saaray Madaxtooyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey.

Madaxweynaha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso Heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo caawa ay ka bilaambatay dabbaaldegyada Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada.

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay bogaadin ku mudan yihiin sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaadanayaan Xuska Toddobaadka Xorriyadda, iyaga oo muujiyey dal iyo dowlad jacayl, soona bandhigay sida ay ugu faanayaan Qarankooda.

RELATED ARTICLES

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ubax Dhigay Taalada Daljirka-Dahsoon

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo  xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada...

Howlgal Isbaarooyin Lagu Qaaday Oo Laga Fuliyay Wadada Isku Xirta Magaalada Iyo Cadale

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 4-aad qeybta 27-aad ayaa howlgalo ballaaran oo lagu qaadayey Jidgooyooyin ay burcad dhigtaan ka sameeyay wadada dhinaca...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shaaciyay nooca Xukuumadda uu soo dhisi doono

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen aqoonyahanno wax ku soo bartay dalka Malaysia...