Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlad Koonfur Galbeed ayaa booqasho shaqo ku tagtay Xafiiska UNDP

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlad Koonfur Galbeed ayaa booqasho shaqo ku tagtay Xafiiska UNDP Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdulxakiim Xaaji Faqi, isagoo uu wehelinayay Agaasimaha Guud Mudane Abdi Ali Dogey.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda iyo UNDP, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha, iyo taageerada bulshooyinka nugul, oo ay ku jiraan bulshada martigelisa barakacayaasha.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UNDP taageerada joogtada ah ee ay siiso Koonfur Galbeed, halka UNDP ay la wadaagtay in Qorshaha Barnaamijka Dalka (CPD 2026–2030) la dhammeystiray isla markaana uu ku jiro marxaladda ansixinta, kaas oo horseedi doona iskaashi ballaaran oo waafaqsan mudnaanta qaranka iyo Yoolalka Horumarinta Waara (SDGs).
Labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-tashiga iyo hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo wax ka qabta baahiyaha dhabta ah ee bulshada Koonfur Galbeed.
