Wasiirka, Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa ku sugan Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa soo gaaray Jamhuuriyadda maankeda ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland maanta.

 

Inta uu joogo dalka waxa wasiirka kulamo la yeelanayaa madaxda dalka oo ugu horeeyay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

 

Labada mas’uul ayaa la filayaa in ay qabaan shir jaraa’id maanta sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka soo baxay Israel.

 

Tan iyo markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay 26-kii Disembar in ay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, waxaa soo baxayay cambaareyn ballaaran oo ka imaaneysay qeybaha bulshada oo ay ku jiraan culumaa’udiinka, waxaana dhacay dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo tallaabadaas.

 

Sidoo kale magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka dhacay bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, waxaana lagu qabtay isu soo baxyo lagu taageerayo go’aankaas.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.