Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo Ka Digay Abaaro Ba’an, Kuna Baaqay Gargaar Degdeg ah

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa ka hadlay xaaladda abaaraha ee ka taagan degmooyinka Koonfur Galbeed, isaga oo tilmaamay baahida degdegga ah ee gargaar bini’aadamnimo iyo dadaallada dowladda ee lagu taageerayo dadka iyo xoolaha ay saameeyeen abaaraha.
