Dr. Maryan Qaasim Axmed, haatana ah musharrax Golaha Shacabka ayaa ka hadashay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble.
Maryan Qaasim ayaa ugu horreyn farriin guud u dirtay dadka Soomalaiyeed, waxayna ugu baaqday inay ka wada-shaqeeyaan xasiloonida dalka iyo horumarka.
Sidoo kale waxa soo hadal qaaday xiisadda taagan, gaar ahaan khilaafka hareeyey Villa Soomaaliya, isla-markaana saameysay geeddi socoda doorashooyinka
“Dab lama huriyo ee waa la baqtiiyaa. Dagaal hadduu macaan ama kharaar yahay waa la soo jarribay,” ayey tiri, kadib qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga.
Dr. Maryan Qaasim ayaa sidoo kale soo jeedisay in xiisadda taagan lagu xalliyo aqli, xikmad iyo Alla ka cabsi.
Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay inay muhiim tahay in la darda-geliyo doorashada, lagana shaqeeyo maslaxadda guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.