Waxaa dhaqan galay iyadoo la joojiyay duulimaadyadii diyaaradaha millatariga ee Imaaraadka

Amarkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan dhaqan galay iyadoo la joojiyay duulimaadyadii diyaaradaha millatariga ee Imaaraadka Carabta ee imaan jiray Garoonka Diyaaradaha Bosaso kuwaas oo ka sii aadi jiray Dalka Suudaan.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku sugan garoonka hal diyaarad oo Nooca xamuulka ah laguna magacaabo Fly Sky isla markaana si toos ah uga timaadda Dalka Imaaraadka Carabta ayaan weli si buuxda ugu hoggaansamin amarkii DFS.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u siisay muddo shan maalmood ah in ay Diyaaradahaasi joojiyaan isticmaalka Garoomada Bosaso, Berbera iyo Muqdisho taasoo haatan dhammaatay, Hase ahaate Dhaqan galinta Amarkii DFS magaalada Bosaso ayaa laga dareemayaa deggenaansho iyo isbeddel muuqda, kaddib markii bulshada ay si weyn uga caban jireen diyaaradahaasi xamuulka ah.
