Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qasaaro kala duwan geystay oo saacadiihii lasoo dhaafay lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa amison oo ku sugnaa deegaan hoostaga gobolka shabeelaha hoose.
Weerarkaan oo ahaa mid culus ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha alshabaab la sheegay in weerar xoogan ay ku qaadeen fariisimo ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose
Khasaaro dhimasho u badan ayaana lagu soo waramayaa in weerarkaani uu dhaliyay
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan lala beegsaday ciidamada amisom,waxaana ay sheegeen in qasaaro lixaad leh ay ku gaarsiiyeen ciidamada uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee amisom.
Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca barahooda intarneetka waxa ay ku sheegteen in laba askari oo ka tirsanaa ciidamada yugaandha ay ku dileen weerarkaasi
Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada amisom oo looga hadalay weerarkaan lala beegsaday Ciidamada amisom
al-shabaab ayaa inta badan weeraro nuucaani oo ha ku qaada saldhiyada ciidamada dowladda iyo kuwa amisom ay ku leeyihiin gobolka shabeelaha hoose
waxaana ay dhowr jeer ay guuulo ka sheegteen weeraradaasi
weerarkaan al-shabaab ay sheegeen in uu la beegsadeen ciidamada yugaandha ayaa waxa uu kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladdu howlgalo ka dhan ah al-shabaab ka wadeen shabeelaha hoose