Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Mandheera ee dalka Kenya ku dhex-maray Ciidamada Kenya & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qarax ku bilawday oo jidgal ahaa ku qaadeen Gaadiid ay wateen Ciidamada Kenya oo ku socdaalayay wadada u dhaxeeysa deegaanada Taagaabo iyo baanisa ee gobalka Mandheere.
Dadka degaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa u sheegay Warbaahinta Gudaha in dagaalka ka hor ay maqlayeen dhawaqa jug culus oo u muuqatay qarax lala eegtay Gadiidka Ciidamada Kenya oo mararka qaar howlgallo ka sameeyay Xadka Soomaaliya.
Al-Shabaab oo sheegtay weerarka ayaa arar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 13 isugu jirta Saraakiil & Askar Kenyan ah Gaariana lagu gubay wallow aysan jirin dad madax banana oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari weli oo ka hadlay weerarkaas ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in weerarka ay uga dhinteen Saddex Sarkaal saddex kalena ay uga dhaawacmeen.