Xasan Sheekh “Nasiib darro Dowladda Imaaraatka noolama dhaqmin wadan mid ah oo Madax banaan”

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababihii ka dambeeyay go’aankii dowladda Soomaaliya ku burisay heshiisyadii ay la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

 

“Dawladda Imaaraadka Carabta si niyad sami leh ayaan heshiisyada ula galnay, balse Imaaraadku noolama dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax bannaan. Marar badan ayaan ka dalbanay inay noola macaamilaan sidii hal dal, ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo galayaan dalkeenna, iyagoo ku kacaya arrimo aysan dawladda federaalka ka war heyn, kana dhex fulinayaan Soomaaliya gudaheeda, kuwaasoo xad-gudub ku ah haybadda iyo qaranimada Soomaaliya. Ka baaran-dagis dheer iyo qiimeyn kadib, waxaa qasab noqotay in aan qaadano go’aammadii shalay aan qaadanay oo lagu baabi’iyay heshiisyadii aan la galnay Imaaraadka.” Ayuu yiri madaxweynaha

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray”Waxa aan qaadi doonaa tallaabooyin kale oo dheeri ah oo ku difaacayno midnimada dalkeena, mana jirto cid aan uga hibaysanayno midnimada Qaranka Soomaaliyeed.”

 

Waxa uu sidoo kale ku celiyay in Dowladda Imaaraadka Carabta aysan u dhaqmin sidii wadan madax bannaan oo mid ah, taas oo keentay go’aannada adag ee dowladda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dareenka waddaniyeed iyo wadajireed ee ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay mas’uuliyad weyn iska saareyso in wax kasta oo taabanayo nolosha dadka Soomaaliyeed ay ilaalineyso

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.