Xiisad Cusub: Xuutiyiinta oo Digniin Culus Siiyay Safiirka Israa’iil ee Somaliland

Xiisad Cusub: Xuutiyiinta oo Digniin Culus Siiyay Safiirka Israa’iil ee Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xuutiyiinta Yemen ayaa digniin adag u dirtay waxa ay ku tilmaamtay “cadowga Israel,” iyadoo uga digtay in ay sii waddo qorshayaal ay ka fulinayso gudaha Soomaaliya.

Qoraal rasmi ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in tallaabadii ugu dambeysay ee Israel ay ku dhawaaqday, taas oo ah magacaabista safiir la sheegay in loo dirayo Hargeysa, ay tahay mid si cad u baalmaraysa sharciga caalamiga ah, isla markaana xadgudub ku ah madaxbannaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeysay in dadaallada Israel ee lagu doonayo in gobolka Somaliland looga dhigo saldhig laga abaabulo howlo ka dhan ah Soomaaliya iyo dalalka gobolka aysan guuleysan doonin.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in joogitaanka Israel ee Soomaaliya uu wiiqayo amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana uu khatar toos ah ku yahay amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Geeska Afrika, maraakiibta caalamiga ah iyo ganacsiga adduunka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xuutiyiinta Yemen waxay ugu baaqday dalalka ku teedsan Badda Cas, iyo dhammaan dalalka Carabta iyo Islaamka, inay qaadaan tallaabooyin dhab ah oo lagaga hortagayo waxa ay ku tilmaamtay qorshayaasha “Yahuudda” ee ka socda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xuutiyiinta ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifkooda adag ee ay ku taageerayso shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo sheegtay in joogitaan kasta oo Israel ku yeelato gobolka Somaliland uu yahay “khad cas” aan la aqbali karin, islamarkaana si adag looga hortagi doono.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights