Xildhibaano Qarax Lagula Eegtay Jowhar

0
123

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qarax oo loo adeegsaday oo xalay lala eegtay oo ka dhacay magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeele

Weerarkaan ayaa waxa lala beegsaday xildhibaano ka tirsan barlamaanka Maamulka Hirshabeele

Waxaana la sheegay in qaraxaani uu ahaa miino wadada dhinaceed la dhigay

Wararka ka imaanaya Jowhar waxay sheegayaan in qaraxan oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada Jowhar islamarkaasna uu jiro qasaaro ka dhashay

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Weerar Qarax ah

Waxaana sheegeen in qaraxan ay  khasaare kala duwan ugu geeysteen xildhibaano ka tirsan hirshabeele

Warar alshabaab ay ku baahiyeen barahooda intarneetka waxa ay sheegeen in qarax ay dhaawacyo garaab ah ku noqdeen labo xildhibaan  oo sida la sheegay dhaawacyadoodu yihiin kuwa aad u culus.

Xildhibaannada weerarkan lagu dhaawacay ayay alshabaab  sheegeen Maxamed Dheere iyo Iidow oo ka mid ahaa Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ilo masuul ahna waxay xaqiijiyeen in dhaawacyada labada xildhibaan loola cararay cisbitaallada maamulka halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda.

Degmada Jowhar waxaa dhowaan sidan oo kale uga dhacay qarax culus oo lagu dhaawacay xildhibaanno ka tirsan dawaaqiidda maamulka fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ka dib markii xubno ka ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weeraro qarax ah La Beegsadeen

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here