- Hadal ka Madaxwaynaha waan soo dhawaynaynaa shacbiguna ha u midoobo xaqiijinta himiladeena oo ah inaan noqono dal ka mid noqda bulshada caalamka. Xildhibaanka dooda soo dhigay iyo inta hadal ku darsatayna waan u mahad naqayaa.
Madaxwaynuhu waa inuu ogaadaa wanaagii la inaga sheegay waxba yeeli maayaan kuwa hadalka aan macnaha ku fadhiyin ka daba tuuraa. Laakiin waxaa xildhiaankaas iyo inta kale ee ina taageertayba niyad jab, guul daro iyo ceeba ku noqnaysa hadii aan inagu ku fashilano inaan xasilino dimuqraadiyadeena oo doorashada madaxtooyada aan xiligeedii ku qaban wayno markaas Madaxwayne nimankaas iyo hablaas ingriis ee inoo dooday hiil ayay inooga baahan yihiin hiilkaasina waa inaan doorashooyinka oo ay ugu mudantahay tii madaxtooyadu aan xiligeedii ku qabano. Hadii kale wixii ay shacbiga Ingriis hortiisa kaga doodeen ayaynu inagu beeninaynaa. Guul ayaan inoo rajaynayaa.