Xukumada Somaliland oo ka hadashay dagaal dhexmaray ciidankeeda iyo jabhadda Ciisaha.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta degmada Saylac ee Gobolka Awdal, ku dhexmaray Jabhadda beesha Ciise iyo ciidamada  Somaliland ee ka arrimiya deegaamadaasi.

 

Dagaalkaan oo laysu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka bilowday deegaanka lagu magacaabo Riiga Indho Biraale, oo hoosyimaada degmada Saylac ee gobolka Awdal.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada Somaliland ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalka uu sababay khasaare, iyadoo la sheegay in ugu yaraan 2 ruux ay ku dhinteen dagaalka, halka 4 kale ay ku dhaawacmeen.

 

Ciidanka Somaliland oo jabhadda ku sifeeyey burcad hubaysan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka guud ahaan gobolka Awdal.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.