Xukumada Somaliland oo sheegtay 6 kun oo askari ay tababar ugu soo xirtay Sool

Somaliland ayaa sheegtay ciidamo ka badan 6 Kun oo askari ay tababar ugu soo xidray gobalka Sool.
Waxa ay ku soo beegmaysaa xilli magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool uu ku sugan yahay madaxweynaha DF Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galaya caleema-saarka madaxweynaa Waqooyi Bari.
Sidoo kale waxa ay imaanaysaa iyada oo Madaxweynaha = Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) uu sheegay in tagitaanka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee Laascaanood ay tahay “daan-daansi iyo faragelin qaawan oo aan geed loogu soo gamban,”.
Madaxweynaha Somaliland ayaa beesha caalamka ku wargeliyay in tallaabooyinka ay qaadayso dowladda Soomaaliya ay yihiin “kuwa saameyn ku yeelan doona nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika”.
