Friday, May 10, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Maxkamad xukun dil ah ku xukuntay nin hooyadii ku dilay Baydhabo

Maxkamad xukun dil ah ku xukuntay nin hooyadii ku dilay Baydhabo

Maxkamadda Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Khamiistii xukun dil ah ku xukuntay Mukhtaar Ibraahim Isxaaq, ka dib markii uu qirtay inuu dhawaan hooyadii Khayrto Shariif Xasan ku dilay Magaalada Baydhabo.

Kiiskan oo muddooyinkii ugu dambeysay uu dhageysigiisu ka socday Magaalada Baydhabo ayaa fadhigii shalay waxaa goobjoog ka ahaa ehelada marxuumadda iyo eedeysanaha.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Baay, Axmed Sheekh Nuur Saki ayaa xukun dil toogasho ah ku xukumay eedeysanaha.

“Eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ina Khayrto Shariif Xasan 36 jir ah ku dhashay, degan Baydhabo, kaas oo xafiiska xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku soo eedeeyay dil bareer ah, kaasi oo uu gacantiisa ku dilay marxuumad Khayrto Shariif Xasan oo ahayd hooyadii isaga dhashay oo 70 jir ah.” Ayuu yiri Garsooraha Maxkamadda.

Garsooraha ayaa yiri “Maxkamaddu marka ay aragtay eeddii xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeysay, kaasi oo ah qodob 434 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Maxkamaddu marka ay aragtay qiraalka eedeysanaha ka hor caddeeyay garsoorka hortiisa in uu gacantiisa ku dilay marxuumad Khayrto Shariif Xasan. Maxkamaddu marka ay aragtay caddeymaha iyo marqaatiyaasha la horkeenay, mid midna ay u weydiisay marag furkooda, waxay maxkamadda ka hor caddeeyeen in eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq iyo hooyadiisa Khayrto Shariif Xasan uu muran dhex maray, isagoo dharbaaxo wajiga kaga dhuftay, kadibna madaxa dhagax kaga dhuftay, isla bartaasna ay ku geeriyootay marxuumadda. Maxkamaddu marka ay aragtay dokumintiga iyo qiraalka eedeysanaha laga qoray, sawirada iyo waraaqda caddeymaha dhimashada marxuumadda, markii ay dhageysatay dooddii u dhaxeysay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedeysanaha, sidaas daraadeed maxkamadda waxaa u caddaatay dambiile gacan ku dhiigle Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah.”

RELATED ARTICLES

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ubax Dhigay Taalada Daljirka-Dahsoon

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo  xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada...

Howlgal Isbaarooyin Lagu Qaaday Oo Laga Fuliyay Wadada Isku Xirta Magaalada Iyo Cadale

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 4-aad qeybta 27-aad ayaa howlgalo ballaaran oo lagu qaadayey Jidgooyooyin ay burcad dhigtaan ka sameeyay wadada dhinaca...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shaaciyay nooca Xukuumadda uu soo dhisi doono

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen aqoonyahanno wax ku soo bartay dalka Malaysia...