Sunday, May 19, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ra’iisul Wasaare Xamse oo shaaciyay nooca Xukuumadda uu soo dhisi doono

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shaaciyay nooca Xukuumadda uu soo dhisi doono

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen aqoonyahanno wax ku soo bartay dalka Malaysia oo ay ku jiraan mudaneyaal ka tirsan BFS, taas oo lagu soo dhaweynayay magacaabistii iyo kalsooni siintii Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in Shacabkeennu gaajo iyo harraad u dhintaan iyadoo ay biyaha webiyadu u muuqdaan, dalka intiisa badanna la isugu safro diyaarado sababo ammaan dartood, taas oo dowladda iyo shacabkaba uga baahan isbaddel dhab ah.

Waxaa uu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka saarta dhibaatada culus ee ka taagan ee dhanka Ammaanka, Abaaraha iyo Musuq maasuqa.

Waxaa uu xusay in xukuumaddiisa ay kasoo dhex muuqaan doonaan xubno lagu yaqaano karti iyo ka shaqeynta Amniga dalka ayna muhiim tahay in la helo ciidan Tayaysan.

Xamse ayaa xusay in xafiiskiisa iyo Ammaankiisa ay ilaaliyaan ciidamo Shisheeye, taasina ay tahay nasiib daro heysta umadda Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...