Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Rooble "Waxaa naga go'an in aan dhowrno bad-qabka Saxafiyiinta"

Rooble “Waxaa naga go’an in aan dhowrno bad-qabka Saxafiyiinta”

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3-da May.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed ku ammaanay kaalintooda, waxaana uu ballanqaaday in Xukuumaddu difaaceyso xuquuqda iyo xorriyadda Saxaafadda.

“Waxaa naga go’an in aan dhowrno bad-qabka Saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeenu gelayo xaalad doorasho, taas oo Saxafiyiintana saareysa masuuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo aan turxaan lahayn.”

Akhriso:- Farriinta Ra’iisal Wasaaraha

No photo description available.

RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed