Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Taliye ku xigeenkii booliska Gobolka Banaadir oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

Taliye ku xigeenkii booliska Gobolka Banaadir oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

Allaha u naxariistee taliye ku xigeenkii qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, G/Sare Axmad Cabdi Wehliye ayaa caawa Isbitaalka Digfeer ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii 9-kii bishan ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Weerarkaas oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey waxaa horay ugu dhintay dad ay ku jireen laba sarkaal, oo kala ahaa Taliyihii saldhigga la qarxiyey ee Waaberi Gaashaanle Axmed Baashane iyo Taliye ku xigeenkii qeybta booliska gobolka ee Waliyow Cadde G/Dhexe Cabdibaasid.

Sarkaalka caawa geeriyooday ayaa noqonaya kii 3-aad ee ugu darajada sareeyay saraakiisha lagu dilay qaraxaas, waxaana geerida G/Sare Axmad Cabdi Wehliye warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tacsi u diray qoyska, caruurta, ehallada, ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Taliye Axmed Cabdi Wehliye, sida lagu shaaciyey qoraal lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee wasaaradda arrimaha gudaha DF.

“Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa Alla uga baryay in Marxuum Axmed uu  Jannadii Fardowso  ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu Alle ka siiyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

RELATED ARTICLES

Deni oo sheegay inay kordhinayaan la dagaalanka Al-Shabaab & Daacish

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha amni...

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Uganda oo ka...

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Facebook Feed

Twitter Feed