Kulankii Qarsoonaa: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Boqor Buuradow oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Somaliland

1 minute, 31 seconds Read

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ay si hoose uga shaqeeyeen dadaallo lagu fashilinayay qorshe la xiriiray ictiraafkii ay Soomaaliland ka heshay Israa’iil.

 

Sida xogtu tilmaamayso, qorshahan ayaa la sheegay in uu ahaa mid si gaar ah loo abaabulay, islamarkaana uu fududeynayay ganacsade lagu magacaabo Muxiyadiin Cali Nuurre. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dadaallada lagu hor istaagayay arrintan ay ahaayeen kuwo si qarsoodi ah u socday, isla markaana ay ku lug lahaayeen dhinacyo kala duwan.

 

Wararka ayaa sidoo kale xusaya in mashruucan uu qeyb ka ahaa Maxamed Faarax, oo madax ka ah hay’adda Academy for Peace and Development. Waxaa la sheegay in kulamo la xiriira arrintan lagu qabtay magaalooyinka Nairobi iyo Istanbul, halkaas oo dhinacyadu ay ku falanqeeyeen mustaqbalka qorshaha iyo sida looga hortagi karo.

 

Si kastaba, Maanta Boqor Buurmadow ayaa si rasmi ah ula hadlay warbaahinta, isagoo caddeeyay inuu taageersan yahay dib u soo laabashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan wararka la xiriira doorkiisa siyaasadeed iyo xiriirka uu la leeyahay hoggaanka dowladda federaalka.

 

Ilo ku dhow Boqorka ayaa sheegaya in taageeradiisa cusub ay ku saleysan tahay danaha gaarka ah ee uu ka leeyahay dib u dhiska iyo xoojinta taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh, taasoo muujinaysa isbeddel ku yimid mowqifkiisii hore ee siyaasadeed.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *