Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ay xalay saqdii dhexe xabsiga u taxaabeen sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Maxamed Garaafow, kaas oo laga qabtay gurigiisa.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in sarkaalka ay isku qabiil yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, islamarkaana ay ciidamo hubeysan ka kaxeeyeen hoygiisa, iyadoo aan ilaa iyo hadda la ogeyn halka lagu hayo.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli muddooyinkii u dambeeyay ay jireen xarigyo iyo dilal lagu beegsanayo saraakiil iyo ciidamo hore ula soo shaqeeyay Laftagareen. Ilo kala duwan ayaa tilmaamaya in qaar kamid ah askarta la xiray halka kuwo kalena la dilay qaarna aanan lagu heyn nolol iyo geeri halka la geeyay yadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababaha ka dambeeya falalkan.
Ilaa iyo hadda, maamulka Koonfur Galbeed kama uusan soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan xarigga sarkaalka iyo eedeymaha la xiriira falalka ka dhanka ah ciidamada la shaqeyn jiray Laftagareen.
Dhawaan ayay ahayd markii la qabtay ciidamo horey ula shaqeyn jiray Laftagareen kuwaas oo goob la iskugu geeyay kadibna lawada toogtay iyadoo toogashada kadib meydadkooda la gubay falkaas oo argagax ku abuuray shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.
