Hanjabaad culus: Laftagareen oo ballan qaaday xoreynta Koonfur Galbeed

1 minute, 12 seconds Read

Hogaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya ku bixiyay xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee ka jirta deegaanada maamulkaas, isagoo si adag u difaacay mowqifkiisa siyaasadeed.

 

Laftagareen ayaa si cad u sheegay inuu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, isagoo tilmaamay in wixii ka dhacay magaalada Baydhabo aysan ahayn tallaabo isaga si gaar ah loogu bartilmaameedsaday, balse ay ahayd duullaan lagu qaaday jiritaanka iyo haykalka maamulka Koonfur Galbeed.

 

“Arrintan aniga kaliya iguma socon, waxaa la beegsaday nidaamkii iyo dowladnimadii Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Laftagareen, isagoo ku eedeeyay Madaxda Dowladda Somalia inay faragelin ku hayaan maamulka.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in inkastoo uu haatan dibad joog ka yahay magaalada Baydhabo, haddana xaaladda shacabka Koonfur Galbeed ay tahay mid adag, islamarkaana ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca nolosha iyo amniga ah.

 

Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabayo halgan uu ku tilmaamay mid lagu “xoreynayo Koonfur Galbeed”, isaga oo xusay in ujeedkiisu yahay dib u soo celinta nidaamkii uu sheegay in si sharci darro ah looga qaaday.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *