Ciidamo Hubeysan Oo Daacad U Ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Oo Lagu Arkay Baydhabo”

0 minutes, 58 seconds Read

Xiisadda siyaasadeed iyo amni ee magaalada Baydhabo ayaa cirka isku sii shareertay, kadib markii xalay gudaha magaalada Baydhabo lagu arkay ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamadaasi lagu arkay xaafado iyo waddooyin muhiim ah oo ay kamid yihiin Xanaano, Al-Faras iyo waddada 30-ka, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo si weyn looga hadal hayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay xalay ahayd mid aad u kacsan, iyadoo shacabka intooda badan ay dareemeen cabsi la xiriirta suuragalnimada isku dhacyo ama xaalado amni darro oo ka dhasha xiisadda sii xoogeysaneysa ee ka taagan magaalada Baydhabo.

Dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadaya xilli gobolka ay ka jiraan murano siyaasadeed iyo loollan xooggan oo ku saabsan hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyada isku haya siyaasadda ay wadaan abaabulo iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda.

Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka magaalada ama saraakiisha ciidamada ee ku saabsan ciidamadaasi xalay lagu arkay gudaha magaalada, balse xaaladda ayaa weli ah mid si dhow isha loogu hayo.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *